Boliiska Kenya oo Toogtay Nin Looga Shakiyay Inuu katirsanaa Al-shabaab

0

Ciidamada Booliska Dalka Kenya ayaa Saakay toogasho ku dilay Ali Khamisi Mtsomo, oo ku eedeeysnaa falal Argagixisanimo, kaasoo ay in muddo ah ku raad joogeen laamaha ammaanka.

Ninkan oo markii la dilayay ku sugnaa degaan lagu Magacaabo Likoni, ayaa isku dayay inuu la dagaallamo Askarta, isagoo Seef ku dhaawacay mid ka mid ah Saraakiisha Boliiska, ka hor intaanan la toogan.

Mtsomo, ayaa la tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Xoogaga Al-shabaab ee ka dagaalama Kenya iyo Soomaaliya, isagoo la tilmaamay inuu dhallin yaro badan oo kasoo jeedda Dalka Koongada Dimoqraaddiga ah u qoray inay ka mid noqdaan Ururada Islaamiyiinta.

 

XG: The Standard

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here