Ciidanka Puntland oo qabtay saddex nin oo looga shakisan yahay inay Shabaab katirsan yihiin.
Ciidanka Amniga Puntland ayaa hawlgal ka dhan ah Al Shabaab-ka ku sugan Buuraha Calmadow fuliyey Buuraleyda deegaanka Harweyne ee Buuraha Calmadow ee Gobalka Bari.
Hawlgalkan ayay ciidanku ku soo qabteen 3 nin oo lagu tuhmayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaabka ku sugan Buuraha Cal Madow ee Puntland.
Raggaan ayaa haatan waxaa gacanta ku haya ciidanka Amniga Puntland si loo mariyo baaritaano ku adan iney garacan saar la leeyihiin Al-shabaab.
Ciidanka Amniga Puntland ayaa mudooyinkii danbe Buuraha Calmadow ka fuliyay howlgalo ka dhan ah Xarakada Al-shabaab, kuwaa mararka qaar weerara kusoo qaada Ciidamada Maamul Gobaleedka Puntland.

