Ururka EFASOM Oo Muqdisho Kusoo Gaba-gabeeyay Tababar Socday-3 Maalin oo Looga Hadlayey Falaqeynta Siyaasadda Waxbarashada +Sawirro

0

Maanta oo ay taariikhdu tahay 07-December-2017 oo ah maalintii ugu dambeysay tababarkii socday 3 maalmood tababarkaas oo ku saabsanaa

Falaqeynta Siyaasadda Waxbarashada .

Tababarkaas oo loo qabtay xubnaha EFASOM wuxuuna socday 05-07-December-2017 dhammaan ka soo qeybgalayaasha waxay aad uga faa’iideysteen

casharadii ay ka barteen tababarka,waxayna balan qaadeen in ay gaarsiin doonaan saaxiibadood aan awoodda u helin tababarkaan.

Shaqo Wadareed maalintii 3aad

Shaqo Kooxeed

Kooxda 1:

  1. ECE:
  2. Siyaasad: In la hubiyo in dhamaan carruurta jooga Soomaaliya oo da’dooda u dhaxayso 3-6 ay u helaan fursad siman helitaanka waxbarasho tayo leh.
  3. Istraatiijiyadda: In la sameeyo Waaxda Qaranka ee Waxbarashada Carruurnimda waqtiga hore si ay u xiriiriyaan , ula socdaan una qiimeeyaan bixinta

adeegyada Waxbarashada Carruurnimda waqtiga hore.

  1. Waxbarashada aasaasiga :
  2. Siyaasad: In la hirgeliyo siyaasadda buugga ardayga , iyadoo la hubinaayo in arday kasta helo buugga ardayga oo maadda kasta ah.
  3. Istraatijiyadda: In dib loo eego tilmaamaha shaqo iyo qodobada tixraaca dhamaan macalimiinta heer kastaba iyadoo lagu salaynaayo waxqabadka iyo

kartida.

  1. Waxbarashada Dugsiga Sare :
  2. Siyaasadda : In la keeno lana qalabeeyo maktabadda dugisga ee dhamaan dugsiyada sare ee dawliga ah.
  3. Istraatijiyada : In la hubiyo dhamaan waxbartayaasha oo da’da ku haboon oo ka soo gudbay waxbarashada aasaasiga ah inay helaan waxbarashada

dugsiga sare

  1. Wabarashada Sare:
  2. Siyaasadda: In la helo waxbarashada sare iyadoo la horumarinaayo lana baahinaayo waxbarashada aqoon dirsadka.
  3. Istraajiyada : in la hubiyo tayada jinsiga iyo ardayda naafada ah ayna helaan goobaha waxbarashada Sare .
  4. Tababarka farsamada iyo xirfadaha waxabrashada
  5. Siyaasadda : in la sameeyo qaab si siman loogu helaayo tababarka xirfadaha ee hoos imaanaya tababarka farsamada iyo xirfadaha waxabrashada

participate.

  1. Istraatijiyadda: In la horumariyo siyaasadda la xiriirta tababarka farsamada iyo xirfadaha waxabrashada ee la xiriirta siyaasadda waxbarashada qaranka.
  2. WAXBARASHADA DADBAN
  3. Siyaasadda : In lala xiriiriyo heerarka waxbarashad dadban iyo qiyamka Soomaaliya ka jira dalalka kale ee gobolka ka jira
  4. Istraatijiyada : in la horumariyo helitaanka waxbarasho tayeysan iyadoo la raacayo qaabab kala duwan wabarasho oo ay ku jirta waxbarashada aqoon

dirsadka.

Kooxda 2:

  1. XUQUUQDA WAXABARASHO IYO BIXINTA WAXBARASHADA
  2. Bixitaanka habka waxbarashada loo siman yahay loona dhan yahay oo siinaysa dhamaan waxbartayaasha waxbarasho aasaasi ah , qasab ah oo lacag

la’aan ah iyo dugsiga sare oo tayo dhab ah leh, taasoo daba socota fursadda inuu sii wado waxbarasho inta uu nool yahay iyo tababar si ay u

horumariyaan shaqsiyan ayna ka qeyb qaataan horumarinta dhaqanka Soomaalida , bulsho dhaqaale iyo tartanka caalamiga ah

  1. Arimaha muhiimka ah ee waxbarashada
  2. Waxyaabaha loo baahan yahay : macallin tayo leh, qaab dhismeed, qalabka waxbarashada iyo waxbaridda
  3. Habka : manhaj, luqadda waxbaridda, cabirka fasalka, saacadaha waxbaridda iyo waxbarashada
  4. Natiijada : Qalin jebiyeyaal iyo kuwa ka haray waxbarashada
  5. Manhaja :
  6. In la bixiyo qaab shaqo dhameystiran oo miisaamaan si loo horumariyo xirriirka islamrkaan la heli karo waxbarsho loo siman yahay oo waxtar leh
  7. La heli karo lehna tayo
  8. L a heli karo: in qof kasta Soomaali ah leeyahay xuquuq waxbaraasho iyo tababar ku haboon da’diisa iyo baahiyaha oo ay ku jirto : Bixitaanka

waxbarasho aasaasi ah oo lacag la’aan islamrkaan qasab ah

  1. Tayo: in qof kasta Soomaali ah leeyahay xuquuq waxbaraasho. Dhammaan waxbarashada iyo tababarka waa inay noqdaan kuw leh tayada ku haboon,

ayna la xiriiraan baahida dhaqan, bulsho dhaqaale ee Soomalida iyo muwaadiniinteeda

Group 3

  1. Qaabdhismeedka maamulka – waan leenahay in kastoo uu bilow yahay, waxaana maamula dowlada
  2. Isbedel ayaa jira sida: in la mideeyey guud ahaan imtixaankii dugsigsa sare
  3. Dowlada ayaa wada inay dhisto adeegga dhexe ee waxbarashadda
  4. In uu Xirrir ka dhaxeeya Qeybta waxbarshadda gaarka loo leeyahay iyo dowladda.
  5. Adeegga waxbarasho cadcadaan ah ah ma jiro lakiin dowlada ayaa hada wada qorshahaas.
  6. Xog wadaag ma jiro oo dhinac waxbarashadda
  7. La xisaabtam iskuuladda gaarka loo leeyahay ma jiro
  8. Dhaqaalaha waxbarashadda si siman looguma qeybiyo goboladda dalka.
  9. Isticmaalka dhaqaalaha ee loogu tala galay qeybaha hoose ma cad

Gabagabo:

Maanta oo ay taariikhdu tahay 05 –December -2017 waxaa la soo gabagabeeyey tababarkii socday muddadii saddex maalin ahayd oo ay soo qaban

qaabisay hay’adda EFASOM kaasoo lagu baranaayey Falaqeynta siyaasadda Waxbarashadda.

Intaa kadib waxaa tababarka khudbado ka soo jeediyey xubnaha kala ah:-

  1. C/qaadir Macallin Maxamed oo ah Maxdaxa Mashaariicda Iftiin Foundation
  2. Saciido Maxamed Xaashi oo ah Guddomiyaha JUWA
  3. Nuurto Maxamed Caddo woo ah Guddig fullinta EFASOM
  4. Prof. Xuseen Tooxow Faarax ahna Gudoomiye ku xigeenka EFASOM
  5. Maxamuud Cabdi Maxamuud ahna Guddoomiyaha EFASOM
  6. C/llaahi Cismaan (C/llaahi soomaali) ahna xubin ka socday Wasaaraddab Waxbarshadda, Hidaha iyo Tacliinta sare

Intaa kadib waxay u mahadceliyeen dhammaan ka soo qeybgalayaasha iyo fududayaasha Tababarka waxayn u sheegeen tababrka aad ka faa’iideysteen

waa in aadla wadaagtaan xubnaha aan fursad u helin ka qeybgalka tababarkaan.

Waxayna kula dardaarmeen buugaagta laga siiyey tababarka waa in aad akhrisaan si aad u heshaan macluumaadka waxbarashadda.

  1. Kadib waxaa tababarka soo xiray Xubin ka socday Wasaaraddab Waxbarshadda, Hidaha iyo Tacliinta sare

Dhammaad

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here