Gudoomiyaha Cusub ee Maamulka Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar Yuusuf (Daba-geed) oo la wareegay xilka Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inaanan la qaban karin shirar aan ogolaansho looga haysan Maamulka Gobolka,
Mudane Yuusuf Daba-geed oo hadal kooban ka jeediyay xaflada uu xilka kula wareegayay ayaa Tilmaamay inay aqbalayaan in la dhaliilo waxqabadka Madaxda Qaranka dowlada soomaliya , hase yeeshee aysan soo dhawayn doonin in warar la soo dhoo-dhoobay laga sheego Madaxda dowlada soomaliya.
Dhanka kale Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf axmed Hagar Yuusuf (Daba-geed) ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta Gobolka Hiiraan in aysan ka qeyb qaadanin kulamada lagu kala qeybinayo bulshada ku dhaqan Gobolka Hiiraan,
Sidoo kale Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Mudane Yuusuf axmed Hagar Yuusuf Daba-geed ayaa amaan usoo jeediyay Ciidamada Midowga Africa ee amisom ee ku sugan Gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa Jabuuti isagoona sheegay in Taageeridooda Gobola Hiiraan loogu saaray ciidamada xarakada al-shabaab

