Wafdi uu Hogaaminaayo Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida G/le Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute oo gaaray Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa ka Hadlay ujeedkey ay u Tageen Magaalada Beledweyne ay Tahay u kuurgalida wararka ku aadan in askar ka tirsan ciidanka ciidamada dowlada soomaliya ay ku lug lahaayeen dagaal beeleedyo ka dhacay magaalada Beledweyne.
Dhanka kale G/le Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koobaad ayaa sheegay in ay bilaaban doonaan baaritaano ku aadan saraakiisha iyo ciidamada dowlada soomaliya ee la sheegay in ay ka qeyb qaateen dagaalkii ka dhacay Galbeedka Magaalada beledweyne isagoona xusay in maxkamad lala tiigsan doono cidii lagu helo arintaas,
Gudoomiyaha Maxkamadda darajada koobaad ee Ciidamada Qalabka sida G/le Dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa dhanka kale sheegay in ujeedka Labaad ay u Tageen magaalada Beledweyne ay Tahay arinta ku aadan in bishaan Gudaheeda xabsiga Magaalada Beledweyne ay ka baxsadeen Maxaabis Halkaas ku xirneed,
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in dagaalkii dhawaan ka dhacay Gudaha Magaalada Beledweyne in ay ka qeyb qaateen saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya oo kasoo kala jeeda Labada meeleeshiyo beeleed,

