Hogaamiye ka tirsan Xarakadda Al-shabaab oo kasoo jeeda dalka kenya ayaa la sheegay in uu baxsad yahay islamarkaana uu doonayo in uu ka baxo kaddib markii ay isku dhaceen hoggaanka Sare ee Al-shabaab.
Sida uu qoray wargeyska standard media oo soo xiganaya warbixin sirdoon ayaa sheegaya in axmed iimaan oo ah hoggaamiye sare ka tirsan Al-shabaab ay isku dhaceen hoggaanka sare ee Al-shabaab, kaddib markii uu ka hor yimid dilal lagu fuliyay xubno ka tirsan dagaalyahanada kenya oo lagu eedeeyay inay ku xiran yihiin al-shabaab.
Hogaamiyahaan oo madax ka ah guutada jeysh al ayman oo u badan dagaalyahano kenyan ah oo ka bar bar dagaalama al-shabaab ayaa ka soo horjeestay qaabka al-shabaab u fuliyaan dilalka dagaalamayaasha kenyanka ah
Dowladda kenya ayaa ninkaan madaxii dul dhigtay mallaayiin doolar ah,kadib markii u soo bandhigay muuqaalo ay baahisay al-shabaab oo u badnaa farriimo loo diray kenya, waxaana uu caan ku ahaa soo jiidashada dhalinyarada ay Al-shabaab ka qorato kenya.
Arintaan ayaa kusoo beegmaysa xili todobaadkii hore fagaaro ku yaala degmada bu’aale ay al-shabaab ku fuliyeen dil toogasho oo lagu fuliyay dagaalyahan kenyaan ah, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin xiriir la lahaa sirdoono shisheeye, mid ka mid ah afarta ruux ee la toogtay waxaa ku jiray qof kenyan ah oo ka soo jeeda magaalada gaarisa.

