Guddig doorashooyinka Somaliland ”Majiraan wax is dabamarin Dhacday

0

Waxaa weli soconaya tirinta codadka doorashadii Soomaaliland,iyadoo laga filayo guddiga in dhawaan uu soo saaro natiijadii rasmiga ahayd ee doorashada.

C/qaadir Iimaan Warsame oo ah Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Somaliland ayaa beeniyay wararka sheegaya Doorashadii Isniintii ka dhacday Somaliland in ay noqotay mid lagu shubtay.

Guddoomiye C/qaadir Wuxuu sidoo kale sheegay in ay qalad tahay dadka qaar in ay baraha bulshada soo dhigaan in ku shubasho ay dhacday, wuxuuna tilmaamay muhiim in ay tahay natiijada in looga dambeeyo Guddiga Doorashada.

Guddiga doorashooyinka ayaa xusay in ay diyaar u yihiin qancinta xisbi kasta oo wax ka tabanaya habka tirinta iyo qaab doorasheedka,balse ku baaqey in laga fogaado wararka been abuurka ah.

Shaqaaqooyinka xalay ka kala dhacay Burco iyo Hargeysa, ayaa si guud looga dareemay Degaanada Somaliland, iyadoo dadkuna ay walaac ka muujiyeen shaqaaqooyinkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here