Haamo Sun ah oo ku Soo Caariyey Xeebaha Maamulka Galmudug

0

Dadka Deegaanka Idaan ee Bariga Gobalka Mudug ayaa Bilaabay inay Barakacaan ka dib Markii Xeebta Deegaankaasi ay ku soo Caaryeen Haamo Waa weyn oo la Aaminsan yahay in Sun ay ku jirto.

Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Bada Galmudug C/qaadir Cali Jaamac (Qalabxoor) oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Sheegay Haamahaasi oo ay ku jirto Sunta Haraaga Hubka Nuclear-ay ku soo Caaryeen Xeebta Deegaanka Idaan ka dib Markii Xeebaha Badweynta Hiindiya ee Ku Dhiriran Bariga Gobalka Mudug.

Wasiir Qalabxoor oo sii hadlayey ayaa Sheegay inay Haamahaasi Dixaleysteen Islamarkaan ay Qarka u Saaran yihiin inay Dilaacaan waxa uuna Xusay in Hadii ay Neefsadaan Haamahaasi ay Sunta ku Jirtay ay Saamen ku Yeelan karto Gobalka iyo Xeebaha Dalka.

Ugu Danbeyntii Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Galmudug C/qaadir Qalabxoor ayaa Tilmaamay inaysan Maamul ahaan aysan Awood u la heyn inay ka hortagaan Qatarta ay ka Dhalan karta Haamahaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here