Khilaaf Xoogan Oo Soo kala dhax Galay Madaxda Sare ee Hirshabeelle

0

Warar  Xog- ogaal ah oo idaacada Simba ee magaalada Muqdisho ay ka heleyso Magaalada Jowhar  ee xarunta Maamulka Hirshabelle ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka jiro khilaaf xoogan oo ka taagan qaabkii loo wajihi lahaa soo magacaabida Golaha Wasiirada Maamulka Hirshabeele.

Khilaafkaan ayaa la sheegay xoogeystay ka dib Markii Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare uu Sheegay in Xildhibaanada aysan ka mid Noqon Karin Golaha Wasiirada ee uu soo magacaabayo.

Wararka ayaa intaas ku sii daraya in uu jiro khilaafka la Xariira Qaabka Awood qeybsiga Beelaha Maamulkaasi Xukumada Cusub kaasi oo u Dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku Xigeenka Maamulkaasi.

Xildhibaan C/qaadir Faarax Shuutaale oo ka tirsan Baarlamaanka Maaamulka Hir-shabeelle ayaa Idaacada Simba u Sheegay Madaxweyne Waare uu Jabiyey Dastuurka Maamulkaasi islamarkaan ay ka biya diideen Qaabka loo marayo soo Magacaabida Golaha Wasiirada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here