Shirkii Khamiis laha ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee lagu waday maanta in uu ka qabsoomo Magaalada Baydhabo ayaa baaqday kadib Muran soo kala dhax galay Raisul wasaaraha iyo wasiirka Maaliyada Somaaliya.
Shirkaan ayaa maanta la filayay Golaha wasiirada iney ku qabsadaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku meel gaarka u ah Maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya, balse Muran dheer oo saacada badan qaatay kaa oo soo kala dhax galay Wasiirka Maaliya Xukuumada Soomaaliya Iyo Raisul wasaaraha Somaaliya Xasan Cali kheyre ayaa sababay in shirkii ka dhici lahaa Baydhabo uu maanta Baaqdo.
Warar hoose oo Idaacada Simba ay heleyso ayaa sheegaya in laga yaabo in wasiirka Maaliyada Xukuumada Soomaaliya uu ku dhawaaqo inuu iska casilo Jagadiisa wasiirnimo Maadaama la sheegay inuu isaga baxay kulanka golaha wasiirada taasina lagu saadaaliyay iney dhici karto uu ku dhawaaqo Iscasilaad deg deg ah.
Waxii kusoo kordha waan idinla wadaagi doonaa SimbaNews.com

