Aqoonyahan C/risaaq “Iscasilaada Maryan Qaasim waxaa sabab u ah Ururada Gurmad ee la sameeyay”.(Dhageyso)

0

 

Xili shaley ay iscasishay  Drs Maryan qaasim Axmed oo aheyd wasiirkii  Gargaarka iyo Musiibooyinka Qaranka soomaaliyeed waxaa arintaasi ka hadlay siyaasiin iyo aqoonyahano soomaaliyeed.

 

Aqoon c.risaaq Maxamed cabdi oo wareysi siiyay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa ku sababeeyay iscasilaada Maryan qaasim khilaaf mudooyinka soo jiitamayay kaasi oo ka dhashay ururada gurmad ee sameysmay Qarixi Zoobe kadib kuwaasi oo noqday ururo barbar yaacaya Wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka Soomaaliya.

 

Aqoonyahanka ayaa tilmaamay in gargaarki iyo dhaqaalihi wadamada caalamka iyo dadka soomaaliyeed ay iska soo aruuriyeen in jeebka ururo gaar ah ay ku dhaceysay arintaana ay soo dadajisay iscasilaada Maryan qaasi.

 

Aqoonyahan C.risaaq ayaa dhanka kale sheegay in wasaarada Gargaarka iyo Musiibooyinka qaran inaan marki hore muhimada wasaaradaan ay yeelan karto aan laga fiirsan islamarkaana wasaaradaan ay ka dhinca shaqeyneysay wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here