Wasiirkii gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Drs Maryan Qaasim Axmed ayaa xilkii iska casishay maanta oo Arbaco ah.
Dr Maryan oo la hadashay idaacadda Simba ayaa sheegtay in sababaha ay xilka ay isaga casishay ay ugu weyn tahay isbar-baryaac ka jira wasaaradda Maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, islamarkaana ay arintaas ku jahwareertay.
“Wadankaan waa wadanka aan aduunka ugu jeclahay, dadkaan waa dadka aan ugu jeclahay aduunka,waxaan diyaar u ahay in aan u shaqeeyo shacabka Soomaliyeed, aniga oo aan xil haynin ayaan shacabka Soomaliyeed u soo shaqeeyay, Seddex Xukuumadd ayaan lasoo shaqeeyay, xaqiiqdii isbar-bar yaac laguma shaqeyn karo,sababta aan xilka isaga casilay ma ahan in aan mucaarad ku ah Dowladda Federaalka Somaliya, waxaan u rajeynayaan guul Dowladdda Soomaliya”, ayay tiri Maryan Qaasim Axmed.
Sidoo kale Wasiirkii gargaarka iyo maaraynta masiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maryan Qaasim Axmed oo idaacadda Simba ay weydiisay sababta xiligaan kusoo beegay icasilaadeeda ayaa sheegtay in ay shaqada ugu tagtay arimo iyada u gaar ah balse aysan aheyn mucaaradd.
Waa wasiirkii labaad ee Xukuumadda Raisulwasaare Xasan Cali Kheyre oo shaqada ka taga kadib markii labo bilood ka hor uu xilka iska casilay Wasiirkii Gaashaandhiga Xukuumadda Federaalka Soomaliya C/rashiid C/laahi Maxamed.

