Wararkii ugu Dambeeyay Doorashada Madaxweynaha Maamulka Somali-land+Dhageyso

0

Guddiga doorashada Madaxweynaha Maamulka Somali-land ayaa waxa ay sheegeen in tirinta codadka doorashada ay ka bilaabatay degmooyinka inta aan ka ahayn Hargeysa iyadoo markale lagu tirin doona codadka magaalo madaxyada Gobolada.

Afhayeenka guddiga doorashooyinka Siciid Cali Muuse ayaa sheegay inaysan jirin wax cabasho ah oo soo gaaray Guddiga Doorashada waxana uu xusay in natiijada doorashada lagu dhowaaqi doono muddo toddobaad gudihiis ah.

Guddoomiyaha guddidaas Cabdiqaadir Iimaan Warsame iyo Afhayeenka Siciid Cali Muuse oo warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale bulshada uga digay faafinta warar aanay hubin oo natiijada la xiriirta.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here