XFS oo Culimadda Ka Codsatay in ay Gacan Ku Siiyaan Dagaalka Al-shabaab+Dhageyso

0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah culima’udiinka Soomaaliyeed iyo guddigii dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa mahadcelin kadib, ku dhiirrigeliyey hoggaamiyayaasha diinta iyo dhammaan dadka Soomaaliyeed in ay gacan ku siiyaan dawladda halganka iyo dagaalka ay kula jirto fadwo diini ah oo ay culmada kaga doodeyso dagaalka weyn ee laqorsheeyay oo Alshabaab dalka oo dhan lagaga saro sida dowaldu ay tiri.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa balan-qaaday in Xukuumaddiisu ay kaalin mug leh siineyso kuna marti qaadeyso shir culimadu ay u madaxbaanyihiin  si ay ugu munaaqashoodaan si cilmi ah  fikirka diiniga ay Al-shabab xambaarsantahay wuxuuna Kheyre shegay in  culimadu  ay noqoneyso mid laf-dhabar u ah talada dalka iyo go’aamada la gaarayo.

Raisalwasraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa hoosta ka xariiqay in Dawladda Soomaaliya  ay dadaalkeeda ugu badan ku bixineyso  sidii dagaalamayaasha Alshabaab ay ugu saari laheeyd guud ahaan dalka sida wasiirka koowaad ee Soomaaliya uu sheegay.

Dhinaca kale Shekh Maxamed Cabdi Umal oo kamid ah mashaa,iikhda Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan kana mid h gudigii  howlaha dhaqaale uruurinta ka waday dalalka Kenya iyo Uganda ayaa ku wareejiyey Guddiga Gurmadka Qaran lacag gaareysa $350-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida Kenya iyo $53-kun oo laga soo uruuriyey Soomaalida ku nool Uganda, si loo gaarsiiyo dadkii wax yeeladu ay ka soo gaartay qaraxii Zoobe ee bishii la soo dhaafay lagu gumaaday dad aan waxba galabsan.

Wuxuuna Sheekh Umal ku sheegay  musiibada heysata Soomaaliya inay u baahantahay in la darso si daaweynteeda loo helo

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here