Wararka naga soo gaaraya Gudaha degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in Gudaha degmadaas Saakay lagu dilay sarkaal ka Tirsanaa waaxda canshuurta dowlada Hoose.
Dad ku Nool Gudaha degmada dharkinley ee Gobolka Banaadir aynu la xiriirnay ayaa inoo sheegay in kooxo ku hubeysan bastoolada ay dileen ninkaan la sheegay in uu ka Tirsanaa waaxda Canshuurta dowlada Hoose,
Dhanka kale Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka Degmada dharkinley ay kaga hadlayaan dilka saakay ka dhacay Gudaha degmada dharkinley ee loo geystay sarkaal ka Tirsanaa Waaxda canshuurta.

