Mu’asasada Alkata’ib oo ah garabka warbaahineed ee Xarakada Al-shabaab ayaa faafisay Filim cusub oo ku saabsan dagaalkii xooganaa ee bilo ka hor ka dhacay deegaanka Buula Guduud duleedka magaalada Kismaayo.
Video-ga oo ladaawan karo muddo 18 daqiiqa ah ayaa lagusoo bandhigayaa ciidamada Al-shabaab oo dagaallo culus tuulada Buula Guduud kula gelaya Ciiamada jubba-land.
Filimka ayaa lagusoo bandhigayaa shaqsigii fuliyay weerarka naf-hurnimo oo lagu magacaabi jiray Cabdi Caziiz Cabdullaahi.

















