Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle ayaa ugu baaqay madaxweynaha maamulkaas Maxamed Cabdi Waare in Wasiiradda uu soo magacaabayo uusan kasoo dhex xulin gudaha Xildhibaanada maamulkaas.
Xildhibaan Cumar Maxamed Cumar(Gaabow) oo la hadlay idaacadda simba ee magaaladda muqdisho ayaa sheegay in nasiib daro ay noqon doonto in wasiiradda Hir-shabeelle mar kale laga soo dhex xulo Xildhibaanadda baarlamanka Maamulkaas.
Sidoo kale waxa uu sheegay Xildhibaan Gaabow qorshaha in wasiiradda oo laga soo dhex xulo Xildhibaanadda baarlamaanka Hir-sheelle uu horey ugu fashilmay madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cali C/llaahi Osoble.

