Dowladda Soomaliya oo Cambaareysay Gantaal Xuutiyiinta Ku Weerareen Magaalada Riyadh

0

Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay gantaalkii kooxaha Xuutiyiinta Yemen maalmo ka hor ku weerareen agagaarka Garoonka Diyaaradaha magaalada Riyadh ee Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

War saxaafadeed ku qornaa Afafka English-ka iyo Carabiga oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in weerarkaas uu xadgudub ku yahay sharciga caalamiga ah.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Sacuudi Carabiya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here