Akhriso:-Mas’uul Ka Tirsan Maamul Goboleedka Galmudug oo Iscasilay

0

Agaasimihii guud iyo xariiriyaha arrimaha bani aadanimada ee Wasaaradda Gargaarka dowladd goboleedka Galmudug Ahmed Wehlie ayaa Xilkaasi iska Casilay Kadib Musuq maasuq Baahsan oo ka jira Galmudug sida uu sheegay.

Ahmed Wehlie  ayaa tilmaamay in labo sano ku dhawaad oo uu Shaqadaan yahay in aan wax gargaar ah si Nadiif ah loo gaariisin dadka tabaalaysan balse ay farxad u tahay inuu si bilaash ah labo sano in ku dhow ugu Shaqaynayay dadka deegaanka uuna ka faa’iid khibrad iyo waaya aragmigo.

Wehlie ayaa Shaqdaan qabtay December 2015-kii waxayna is Casilaadiisa ku soo aaday Xili la baahiyay in gargaarkii Dowladda Turkiga ugu deeqday dan yarta Galmudug in lagu  iibinayo Xarumo Ganacsi oo ku yaala Magaladda Cadaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here