Stafford oo Ka Hadashay Shahaadooyin Been Abuur ah oo La Sheegay in La Siiyay Wasiiradda Dowladda

0

War ka soo baxay Maamulka Jaamacadda Stafford University ee dalka Uganda ayaa waxa ay ku sheegeen in aysan jirin shahaadooyin iyo waraaqo ay soo saarto kuwaa oo la siiyay ardayda jaamacadda jobkey ee Magaalada Muqdisho.

Maamulka Jaamacadda Stafford ee magaalada Kampala ayaa sheegay in ay tahay been abuur qof walba uu ku andacoodo inuu heesto dukumeenti sax ah oo ay leedahay jaamacadda Stafford ee laga leeyahay dalka Uganda.

Dr. Henry D. Egessa oo ah madaxa fulinta jaamacadda Stafford ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay in aan la jabsan website-ka jaamacadda oo la sheegay in ay ka dambeeyeen saraakiisha maamulka jaamacadda Jobkey ee xarunteedu tahay magaalada Muqdisho.

“Dhab ahaantii waa dambi ciqaabeed in aad sheegataan heesashada documentiyadeena arimahaasina waxaa baaritaano ku haya waaxda dambi baarista oo xaruntoodu tahay magaalada Kampala”,

Maamulka jaamacdan laga been abuurtay taa oo laga leeyahay dalka Uganda ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan arimahani ay la wadaagi doonaan wasaaradda hidaha iyo tacliinta sare ee Xukuumada Federalka Soomaaliya , wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo Warbaahinta Magaalada Muqdisho.

Shalay ayeey aheyd markii bogga twitter-ka ee  wargeyska newvison lagu daabacay in Ku dhawaad 79 shahaado oo been abuur in jaamacaddaas ay Soomaliya usoo dirtay islamarkaana la siiyay mas’uuliyiin wasiiro ay ku jiraan kuwaasoo loo soo marsiiyay mid ka mid shirkadaha boostooyinka ee magaaldda muqdisho ka shaqeeya Sidoo kalena  waxaa la sheegay in qorshahaasi  ay fududeysay  jaamacadda jobkey ee ku taala magaaladda muqdisho ee caasimadda Soomaliya.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here