Wasaaradda Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Somaliya ayaa war kasoo saartay xaaladda ammaanka magaalada Muqdisho iyo tallaabooyin loo qaaday sidii loo xoojin lahaa Nabadgelyada.
C/casiis Cali Ibraahin (Xildhibaan) Afhayeenka wasaaradda Amniga oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada ammaanka inay kordhiyeen hawlgalada ay ku xaqiijinayaan ammaanka caasimadda, islamarkaana si weyn loo hubinayo Gaadiidka Magaalada.
Wuxuu hadalkiisa ku daray C/casiis Cali Ibraahin in qorshaha adkeynta ammaanka Muqdisho uu salka ku hayo sidii looga hortagi lahaa weerarrada Xarakadda Alshabaab ka fuliyaan gudaha magaalada iyo goobaha bulshada isugu timaado.
Dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab ayaa kordhiyay weerarada ay ka geystaan magaaladda Muqdisho, bishii aynu soo dhaafnay labo qarax iyo weerar ay ka geysteen magaaladda muqdisho.

