Faah-faahin:-Sarkaal Ka Tirsan Ciidamada Xoogga Dalka oo Hoygiisa Weerar Lagu Qaaday

0

Ciidamo ka tirsan Kuwa Booliska iyo Nabad Sugida Dowladda Federaalka Soomaliya ayaa weerar ku qaaday hoyga Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed.

Sarkaalka oo lagu Magacaabo Cali Maxamed Jubad ayaa la sheegay in weerar lagu qaaday hoygiisa oo ku yaalla dhabarka dambe ee Xarunta Ha’yadda Nabad Sugidda Gobolka Banaadir Ee loo yaqaan Godka Jilicow, degmada Boondheere ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay inay soo weerareen Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabadsugid, lana dilay askari ka mida ilaaladiisa mid kalena laga dhaawacay .

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sarkaalkaan uu 29-kii October Gurigiisa lagu qabtay saddex ka mida dagaalyahanadii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday Hotelka Naasa-hablood 2, taasoo uu sheegay in weerarka lagu qaaday arrintaas la xiriiro.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday Sarkaal ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaliyeed.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here