Fabio Capello oo beeniyay in uu Mar kale Noqon doono Macalinka kooxda Real Madrid

0

Macalinkii Hore ee xulka dalka England Fabio Capello ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in uu mar kale macalin u Noqon doono kooxda Real Madrid ee Horyaalka dalka Spain,

Fabio Capello oo dhawaan ka Tagay shaqada xulka dalka Russia ayaa lala xiriirinaayaa in uu qaban doono shaqada kooxda Real Madrid marka laga ceyriyo macalinka reer Spain ee Rafael Benitez oo shaki la galinaayo mustaqbalkiisa,

Intuu uu ku sugnaa Kooxda Real Madrid Fabio Capello wuxuu  kula guuleystay  koobka Horyaalka dalka Spain ee La Liga kadibna waxaa laga ceyriyay shaqada kooxda Real Madrid.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here