Wararka ka Imaanaya Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose ayaa ku waramaya in Gudaha Magaaladaas ay ciidamada Maamulka Juba-land, ay ka sameeyeen Howlgalo balaaraan.
Holwgalada ayaa bilowday saqdii dhexe ee xalay waxaana laga sameeyay Gudaha Magaaada Kismaayo iyo xaafadaha Hoos Yimaada waxaana Magaalada Kismaayo Habeenkii xalay ahaa Lagu arkayay ciidamada aad u hubeysan oo ka Tirsan Kuwa Maamulka Juba-land.
Dhanka kale Saraakiil ka Tirsan Ciidamada Maamulka Juba-land aynu la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka Hadlaan Howlgalka laga sameeyay Gudaha Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubada Hoose,
Magaalada Kismaayo waxaa dhawaan ka Furmi doona shirka Lagu go’aamin doono doorashada soomaliya ka dhacaysa sanadka 2016-ka wuxuuna shirka ka Furmayaa Magaaladaas 10-ka Bisha January ee sanadka cusub,

