Suxufiyiinta ka Nool gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka soomaliya ayaa maanta doortay Hogaan cusub oo hogaamin doona 12-ka bilood ee socota
74 wariye oo kulanka soo xaadiray ayaa cod gacan taag ah waxa ay ku doorteen madaxa mudada 12-ka bilood ee soo socota hogaamin doona ururka suxufiyiinta Gobolka Hiiraan
Dhanka kale Suxufiiyinta isku soo Taaktay xilka Hogaanka ururuka suxufiiyinta Gobolka Hiiraan ee Bartamaha dhulka soomaliya waxaa kamid ahaa Jamaal Cali Cabdi,Cismaan Aden Careys iyo Saadaq Cumar Carte.
Doorashada oo aheyd mid gacan taag ah ayaa waxaa ku guuleystay xilka Gudoomiyaha Ururka suxufiiyinka Gobolka Hiiraan wariye Jamaal Cali Cabdi oo helay codod gaaraya 40-cod wuxuuna kaga guuleystay doorashada Cismaan Aden Careys iyo Saadaq Cumar Carte.
Gudoomiyaha Cusub ee Ururka suxufiiyinka Gobolka Hiiraan Wariye Jamaal Cali Cabdi oo warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in uu wax badan ka qaban doono Hormarka suxufiiyinta Gobolka Hiiraan isagoona sheegay in Tababaro loo furi doono suxufiiyinta Gobolka Hiiraan.








