Inta la xaqiijiyay 100 qof ayaa ku geeriyootay dab ka dhashay qarax booyad shidaal oo ka dhacay dalka Nigeria maanta oo jimco ah,
Madaxweynaha Wadanka Negeria Muhammadu Buhari oo saxaafada dalka Negeria La Hadlay ayaa sheegay in qasaaraha ka dhashtay qaraxa booyada uu gaarayo 100-qof halka intaas ka badan ay ku dhaawacmeen qaraxa.
Dadkii ku dhaawacmay qaraxa Booyada dhashatay ayaa la geeyay isbitaalka Nnamdi Azikiwe University Teaching oo ku yaala Magaalada Nnewi, sida ay sheegeen laamaha caafimaadka dalka Negeria oo goor dhaweyd saxaafada la Hadlay,

