Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan Maanta Waxaa ka dhacay Kulan ay yeesheen Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan,Ujeedka kulanka Maanta ayaa ahaa kalaabashada go’aan laysku qilaafay oo ay horay u gaareen Odayaasha dhaqanka Hiiraan iyo Madaxweynaha Soomaaliya oo ahaa ka qeybgalka Shirka Ka furmaya Magaalada Jowhar ee Maamulka Loogu dhisaayo gobolada hiiraan iyo shabeelaha dhexe.
Odayaasha ayaa sheegay in ay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh.Maxamuud ay horay ugu heshiiyeen in shirka lagu qabto Magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan oo ay sheegeen in markaasi ay iyagu shirka marti galintiisa u diyaargaroobeen.
Odayaashaan Maanta ku kulmay Magaalada Baladweyn ayaa sheegay in markaasi ay dhiseen hoola,hotello iyo Xarumo kale oo dhammaamba ay ugu talagaleen in lagu qabto Shirka Maamulka loogu dhisaayo gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe,islamarkaana Madaxweyna aysan ka ogolaanayn in shirku ka dhaco meel Baladweyn ama hiiraan ka baxsan Maadaama ay diyaargaroow xilli hore ah ay sameeyeen.

