Dhageyso:-Guddoomiye Jawaari” Anigu Isqarxis iyo Dagaal Guddoomiye Kuma noqone yaan lagu raadin arinkaa madaxtinimada Dalka”

0

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay in hadda dadka Soomaaliyeed ay si qaldan ku raadiyaan in ay madax noqdaan sida uu yiri.
waxaa uu sheegay in Soomaalida siyaasiyiintoodu markay xil rabaan ay noqdeen Kuwa xilka ku raadsha isqarxin iyo waliba kuwa ku raadiya dagaal iyo daadinta dhiigga dadka soomaaliyeed Waa sida uu isagu hadalka u dhigaye.
Afhayeenka Baarlamaanka Soomaaliya Jawaari ayaa sheegay in isagu xilka hadda uu hayo ee ah gudoomiyaha Baarlamaanka dalka uusan ku gaarin dagaal iyo qarax intaba wadada uu ku gaarana waxaa uu ku sheegay aqoon,Nabad ka shaqeyn iyo waliba kalsoonida shacabka iyo siyaasiyiinta soomaalida oo isbiirsaday.
Dhallinyarada oo uu sheegay in ay yihiin kuwa ugu nugul u adeegsida dhibaatooyinkaasi ayuu sheegay in looga baahanyahay in ay nabadda ka shaqeeyaan islamarkaana si nabad galyo ah ay uga qeybqaataan siyaasadda Dalka Soomaaliya oo uu tilmaamay in xilligan la joogo xilligii siyaasadda dalka ay hagilahaayeen dhallinyaradu.
Waxaa uu ugu baaqay dhallinta in ka fogaadaan waxa uu ugu yeeray macno la’aan ku dilidda dadka oo aan faaido ugu jirin dhallinta iyo cid waliba oo ku jirta falkaas.

110101_010

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here