Guddoomiyaha Degmada Xamarweyne oo Maanta la jirdilay.

0

Wararka aan ka helayno degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir ayaa sheegaya in Maanta Ciidamo ka amar qaata Taliyaha Ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Cali Xirsi Barre Cali gaab ay gudaha Degmadaasi ku jirdlileen Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xamarweyne ee Gobolkan Banaadir C/qaadir Maxamed C/qaadir.

Sababta keentay Dhacdadan ayaa lagu sheegay kadib markii Gudoomiyaha degmadaasi uu doonayey inuu is hor taag uu ku sameeyo burburin la sheegay in Ciidamo ka amar qaata Taliyaha Booliska gobolka banaadir Cali Gaab ay ka sameeynayeen Xarunta Wakaaladda Filimada Soomaaliyeed.
intaa kadib ayaa la sheegay in gudoomiyaha Degmada Xamarweyne uu sheegay inaan xaruntaasi la burburin karin ilaa amar laga helo Maamulka uu madaxda ka yahay.

Labada Masuul oo aan la xiriirnay ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arinkaan waxaana guddoomiyaha Degmada Xamarweyne uu sheegay in arinkaan uu ku wargaliyey laamaha Ammaanka ee Dowladda Soomaaliya waloow uu sheegay inaysan wali wax jawaab ah ka siinnin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here