Kadib Markii shalay duqeymo ay diyaarado fuliyeen ay ka dhacday deegaanka Beerxaani ee gobolka Jubada Hoose ayaa wararka ka imaanaya deegaankaasi waxaa ay ku waramayaan in duqeynta dhacday ka dib Ciidanka Kenya iyo Kuwa Jubbaland oo gudaha u galay deegaankaasi ay dhibaatooyin isugu jira dil,dhac,dhaawac iyo barakicinba ay u geysteen dadka deegaankaasi beerxaani ku noolaa.
Dhawr qof oo rayid ah islamarkaana aan waxba galabsan ayaa la sheegayaa in ciidankaasi Huwanta ah ay ku dileen deegaankaasi sidoo kale waxaa ay dhaawac u geysteen tira kale oo ka mida dadka deegaankaasi ku nool,guud ahaan dadkii ku noolaa deegaankaasi ayaa isaga barakacay halkaasi iyagoona u cararay deegaanada howdka ah ku teedsan Beerxaani.
Shacabkii ku dhaawacmay duqeynta iyo weerarka Ciidanka Kenya ay ku qaadeen deegaankaasi ayaa la sheegayaa in hadda ay dhibaatooyin Cafimaad ku haystaan deegaanada dhaca dulledka Deegaanka Beerxaani ee Gobolka Jubada Hoose.
Mid ka mid ah dadka deegaanka oo diiday in magaciisa aan warbaahinta u adeegsanno oo la hadlay Radio Simba ayaa Xaqiijiyey in dhibaatooyin dhinacyo badan ah ay geysteen walina aysan jirin ci wax ka qabatay arinkaasi.
Ciidamada Kenya ayaa dhawr mar waxaa lagu eedeeyey in ay dad rayid ah ay ku dhibaateeyeen deegaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobolada Jubbooyinka ee koonfurta Soomaaliya.

