Kooxda Manchester United ayaa soo bandhigtay lacagaha ay ku doonayso laacibka garabka kaga ciyaara kooxda dalka Faransiiska ka dhisan ee PSG Lucas Moura.
Xidiga heerka caalami ee xulka dalka Brazil ayaa xili ciyaareedkaan lala xiriirinayaaa in uu ka dhaqaaqi doono kooxda PSG isagoona ku biiraya kooxaha dalka Ingiriiska sida arsenal iyo Manchester united oo kamid ah kooxaha xili ciyaareedkaan xiiseenaya laacibkaan.
Majalada Daily Telegraph oo ingiriiska kasoo baxda ayaa ku waramaysa i in kooxda Manchester United ay xidigaan usoo bandhigtay aduun dhan £22 million oo ah lacagaha lagu heli karo laacibkaan

