Shariif Xasan:-“Xiligii Laga Hadlayay Yareynta Tirada Ciidamada AMISOM Lama Joogo”,

0

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa niyad jab ku tilmaamay wararka ku aadan In la yareynayo tirada ciidamada AMISOM ee Soomaliya jooga.

Waxa uu sheegay afartii sano aynu soo dhaafnay Dowladii hore ay ka shaqeynaysay dhismaha Maamul goboleedyada haatan dalka ka jira,islamarkaana la doonayo in dowladda cusub ay ka shaqeyso ammaanka dalka iyo sidii ciidamada dowladda Somaliya loo dhisi lahaa.

“Wax walba oo Bini’aadam uu sameynayo waxbaa ka dhimanaanaya,waxaa muhiim ah in laga shaqeeyo amaanka dalka,Dowladdii uu hoggaaminayey Xasan Sheekh Afartii Sano ee ay jirtay waxaa laga shaqeynayey sidii loo dhisi lahaa maamul goboleedyada, waana lagu guuleystay, Afartaan sano waxaan rajeyneynaa in amniga laga shaqeeyo, waxaan maqlayey in la rabo in la yareeyo Ciidamada AMISOM, waxaan qabaa aniga AMISOM in la yareeyo waqtigeeda lama joogo” ayuu yiri Madaxweyne  Shariif Xasan.

Dhanka kale, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaliya, Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ugu baaqay shacabka iyo baarlamaanka maamulkaasi iney ka shaqeeyaan ammaanka deegaannada uu ka arrimiyo maamulkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here