Dowlada Jabuuti oo Soo Saartay Tirada dadkii ku dhaawacmay iyo dadkii ku dhintay Rabshadihii dhacay

0

Wasiirka Ariimaha dibadda wadanka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegay in rabshadihii ka dhacay wadanka Jabuuti  ay ku dhinteen 7-qof halka ay dhaawacyo daran ay kasoo gaareen  50-qof ay ka mid yihiin ciidanka Booliiska dalka Jubuuti.

Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu sheegay in ay jiraan dad ay soo gaareen dhaawacyo culus oo isugu jira dad shacab ah iyo ciidamada booliska dalka Jubuuti wuxuuna wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee AFP uu ku beeniyay wararka sheegaya in ciidamada booliska dalka jabuuti ay si cad u weerareen dadka shacabka ah,

Isku Horimaadka ka dhacay dalka jabuuti ayaa yimid kadib markii Ciidamada Booliiska ay isku dayeen inay kala eryaan dadka isugu soo baxay xuska sheekh Yoonis Muuse oo ka soconayay xaafadda Balbala, taasi ayaa keentay in dagaal uu meesha ka dhaco,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here