Qaar kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada koonfur Galbeed soomaliya ayaa sheegay in ay sameynsan doonaan Maamul ka madax banaan maamulka Koomfur Galbeed soomaliya,
Siyaasiga Abuukar Dhakad oo kamid ah siyaasiyiinta kasoo jeeda koonfur Galbeed soomaliya oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan sheikh aadan in uusan wax xil ah siinin beesha ay kasoo jeedaan waa siduu Hadalka u dhigay,
Dhanka kale Waxa uu Hadalka ku daray Siyaasiga Abuukar Dhakad in dhawaan ay bilaabi doonaan dhisida Maamulka ka madax banaan Maamulka koonfur Galbeed soomaliya.
Hadalka siyaasigaan ayaa imaanaya xili qaar kamid ah beelaha daga Gobolada la isku Yiraahdo koonfur Galbeed ay Tilmaamayaan in aysan helin wixii markii Hore Lagu heshiiyay.

