Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale oo Hadal kooban ka jeediyay shir ku saabsan xoojinta wacyigelinta bulshada ayaa sheegay in uusan Maamulka Gobolka Banaadir ogolaan doonin in Magaalada Muqdisho Lagu qabto Xuska Munaasabada ciidda kirismaskta oo Gaalada ay u dabaal dagaan sanadka cusub,
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa Tilmaamay in aad loo Garanaayo ciidaha ay leeyihiin dadka Mus;imiinta ah laakin uusan Maamulka Gobolka Banaadir uusan ogalaan doonin in Magaalada Muqdisho lagu qabto Xuska Munaasabada ciidda kirismaskta.
Dhanka kale Waxa uu Hadalkiisa ku daray Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho in loogu baahan yahay Laamaha amaanka in ay la socdaan goobaha lagu dhigayo munaasabadahaas.

