Wasiir ka Tirsan Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya oo Xilkii iska Casilay

0

Wasiirkii Dalxiiska iyo Duur joogta Maamulka Koonfur Galbeed Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” ayaa maanta ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu u hayay Maamulka koonfur Galbeed soomaliya ee Magaalada Baydhabo ay Tahay caasimadii Kmg-ga.

Mudane Cumar Aadan Xasan “Cumar Dheere” waxa uu sheegay in wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya aysan u madax banaaneen Howlahooda isagoona Hadalkiisa ku daray in Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya Shariif Xasan shiiikh aadan uu wax ka maamulo Howlaha wasaaradaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya waa siduu hadalka u dhigay,

Bishii January ee sanadkaan 2015-ka ayaa loo dhaariyay Wasiir Cumar dheere  xilka Wasiirkii Dalxiiska iyo Duur joogta Maamulka Koonfur Galbeed iyadoona Maamulka Koonfur Galbeed soomaliya uusan gaarin Hadafkii loo aas-aasay Markii Hore.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here