Macalin Wenger oo ka Hadlay guushii ay ka gaareen kooxda Manchester City

0

Macalinka kooxda arsenal Arsene Wenger ayaa aaminsan in xili ciyaaredkaan ay kooxdiisa ku guuleysan doonto Horyaalka dalka ingiriiska kadib guushii ay ka gaareen kooxda Manchester City ciyaar xalay ka dhacday garoonka Emirates Stadium.

Xidigaha kala ah Theo Walcott iyo  Olivier Giroud ayaa goolal u dhaliyay kooxda arsenal iyadoona kooxda Manchester City uu Hal gool u dhaliyay Kaptan ku xigeenka  kooxda City Yaya Toure.

Isagoo warbaahinta la Hadlay kadib ciyaarta ayuu sheegay Macalin wenger in uu aad ugu Faraxsan yahay guusha ay ka gaareen kooxda Manchester city taasi oo ka dhigan in Haatan ay 2-dhibic ka hooseeyaan kooxda kaalinta kowaad ee Leicester City,

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here