Dadka deegaanka gobolka Xeebta leh ee Kenya oo Saaka barakac Xoogan Sameynaya.

0

Boqolaal ruux oo ka tirsan dadka deegaanka gobolka xeebta ah ee Kenya ayaa saaka bilaabay inay iskaga barakacaan gobolkaasi kadib cabsi baahsan oo soo wajahday dadkaasi.

Mid ka mid ah dadka deegaanka Pandaguo ayaa warbaahinta the nation u sheegay in dad ku dhaw boqolaal saaka ay faarujiyeen hoygii ay ka daganaayeen magaalooyinka hoos yimaada gobolka xeebta leh ee lamu.

Dowlada Kenya ayaa gobolkaasi iyo magaalooyinka keymaha leh geeysay ciidamo badan oo halkaasi todobaadyo ka waday howl-galo lagu baadi goobayo xubno ka tirsan Al-shabaab oo ajaanib u badan kuwaasi oo dowladu ay sheegtay inay ku dhuuntaan .

Kenya waxaa kaloo ay sheegtay in dhulka hoodka ah iyo kan xeebta  ee saaka uu  ka jiro barakac looga soo qaado weerarada Al-shabaab ay ka fuliyaan dalka Kenya.

Barakaca dadkaan ay sameenayaan saaka ayaa kusoo beegmaya  iyadoo  dagaalyahano hubeysan oo Al-shabaab ka tirsan ay ku weerareen magaalada mandera gaari bus ah oo halkaasi marayey kadibna toogtay labo ka tirsanaa rakaabkii gaariga buska ah la socday.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here