Ciidamada dowlada oo Xiray Guud Ahaan Suuqa-Weyn Ee Suuq-bacaad

0

Boqolaal katirsan ciidamada Dowladad Federaalka Soomaaliya ayaa lagusoo daadiyay xaafadda Suuq Bacaad ee magaalada Muqdisho oo uu kuyaal suuqa 2-aad ee ugu weyn Muqdisho.

Ciidamada ayaa amar ku bixiyay in laxiro dhammaan goobaha ganacsiga Suuqa waxaana hakad kujira dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee dadka ku dhaqan agagaarka suuqa labaad ee magaalada muqdisho

Amarkaan ayaa la sheegay in uu ka soo baxay Maamulka degmada yaaqshiid ee gobalka Banaadir kadib mudooyinkii danbe oo ay halkaasi ku soo laab laabteen dilalka loo geesanayo Saraakiisha iyo ciidamada dowlada.

Mid kamida ganacsatada Suuq Bacaad ayaa warbaahinta Simba u sheegay in xaalad kacsanaan ah kajirto Suuqa islamarkaana ay ay arkayaan ciidamo kuwaa oo u diidaya iney furtaan Ganacsiyadooda.

maaalintii shalay ayey aheyd kadib markiii halkaasi lagu dilay sadax xidigle la sheegay inuu katirsnaa ciidamada dowlada hoose ee xamar, mas.uuliyada dil kaasina waxaa Dusha uritay Xarakada Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here