Xildhibaano katirsan baarlamaanka Maamulka koofur galbeed oo maanta ku shiray Magaalada Muqdisho ayaa sheegay iney wadaan Mooshin ay xilka kaga xayuubinayaan Madaxweynaha Maamulka koofur Galbeed Somaaliya
Xildhibaan Dhubad Maxamed dhaqane oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Maamulka gobaleedka koofur galbeed oo ka hadlay shir ay maanta qaar katirsan Xildhibaanada Maamulkaas Ku Yeesheen magaalada Muqdisho Ayaa Sheegay iney Wadaan Mooshin Ka Dhan Ah madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan waxuuna intaasi raaciyay iney dhawaan tagi Doonaan Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG Ah Maamul Gobaleedka koofur galbeed Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa Sidoo Kale Sheegay in Si Wada Jir Ah wax Loo Dhisay hadii arintaa Ay Socon weysayna Sida Umada Dooneyso in Loo Dhaqaaqi Doono.
Hadalka Xildhibaanadaan ayaa Ku Soo beegmaya Xili Maanta uu Magaalada Baydhabo Dib ugu soo Laabtay madaxweynaha Maamulka koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Mudooytinkii danbe Ku Maqnaa Dalka Imaaaradka Carabta.

