Madaxweynaha Wadanka Mareykanka Barack Obama ayaa sheegay in ururka Daacish dhulka Lagu dari doono inta uusan shaqada ka Tagin marka laga gaaro sanadka 2017-ka oo xiligaas doorashooyin ay ka dhici doonaan dalka Mareykanka,
Madaxweyne Barack Obama ayaa Tilmaamay in isbahaysiga uu Hogaaminaayo Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxda daacish ee ciraaq iyo Syria ka dagaalanta uu kalsooni ku qabo in la burburiyo kooxda oo ku sugan meelo kamid ah bariga dhexe,
Kooxda Daacish ee ka dagaalanta bariga dhexe ayaa dagaalo kula jirta dowlado badan oo caalamka iyadoona dowlada wadanka Mareykanka ay qeyb tahay dowladaha doonaya in la burburiyo ururka daacish.

