Sida ay sheegayaan wararka duqeyn diyaaradeed, ayaa xalay ka dhacday deegaanka Shanta Ameerika, oo hoos-tagta Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose,
Duqeynta ayaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday saraakiil ka Tirsan xarakada al-shabaab oo xiligaas marayay Degmada Kunturwaarey ee Gobolka Shabellaha Hoose sida ay inoo sheegeen dadka deeganka Shanta Ameerika,
Saraakiil ka Tirsan ciidamada dowlada soomaliya ee deeganka oo la Hadlay warbaahinta ayaa sheegay in duqeynta lala beegsaday Madax iyo ciidamo ka Tirsan al-shabaab oo ku suganaa deeganka shanta ameerica laakin aysan ogeyn saraakiisha ku dhimatay goobta.
Dhanka kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in weerarkaasi lagu dilay Saraakiil uu ku jiro Madaxii Jabhadaynta Al Shabaab, oo magaciisa lagu soo koobay Abuu Cuteyba.

