Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo dhowaan Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ay sheegeen inay xilka ka qaadeen ayaa maanta soo saaray wareegto uu xaalad deg deg ah ku soo rogayo deegaanada uu ka taliyo maamulkiisa.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in xaalad deg deg oo soconeysa 3 bilood oo ka bilaabata bisha October uu ku soo rogay deegaanada Galmudug.


