Xarakada Al-shabaab ayaa shaacisay magacyadda saraakiil ay sheegeen inay ka tirsanaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Mareykanku tababaray oo lagu dilay weerarkii shalay ka dhacay Bariire.
Al-shabaab ayaa sidoo kale qarxiyay Buundada Bariire oo ahayd tan qura ee la isaga goosho degaanadaasi , kdib markii ay Miino ku xireen.
MAGACYADA SARAAKIISHA ALSHABAAB SHEEGTAY INAY KU DISHAY WEERARKII BARIIRE WAXAA KA MIDA:
1- Mahad Dul-Dheer oo ahaa taliye Horin caan ka ahaa degaanka, oo ka tirsan.
2- Maxamed Cali oo ka mid ahaa saraakiishii ku sugneed Saldhigga degaankaBariire.
3- Cali Xasan oo ahaa Taliye Horin kana mid ahaa saraakiisha degaanka.
4- Faarax Yare oo ahaa sarkaal ka tirsan maleeshiyaatka sida gaarka ahMareykanka u tababaray.
5- Xuseen Maxamuud Caddaan oo ku magac dheeraa Afraxoow wuxuu ahaa sarkaal Balidoogle lagu tababaray

