Akhriso:-Ciidamo Fara Badan oo Maanta Laga Saaray Magaaladda Cadaado+Sawirro

0

Wararka ka imaanaya magaaladda Cadaado ee caasimadda KMG ah ee Maamulka galmudug ayaa ku waramaya in Maleeshiyaad  fara badan oo Magaalaadas u tagay xiisadda jirta in maanta lagu guuleystay in laga saaro.

Maleeshiyaadkaan oo taageersan Madaxweynaha  oo qaar ka mid ah xildhibaannada Galmudug ay xilka ka qaadeen ayaa la geeyay degaanka Gelinsoor ee duleedka Cadaado, halkaasoo xalay ay kula hadleen saddex xildhibaan oo ka mida xildhibaannada jooga magaalada Cadaado.

Xidhibaan Mahad Salad ayaa saxaafadda u sheegay in ciidamadan ay saaka  kula hadleen Magaalada Gelinsoor, wuxuuna sheegay inay sii wadi doonaan howshan si magaalada Cadaado looga saaro ciidamada ku haray.

Xaalada Magaalada Cadaado oo xarun KMG u ah Galmudug ayaa  maanta, inkastoo khilaafka siyaasadeed ee madaxda Galmudug aan wax xal ah loo helin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here