Gudoomiye Jawaari oo La Kulmay Gudoomiye Ku-xigeenka Baarlamaanka Masar

0

Gudoomiyaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa waxuu kula kulmay Magaalada Qaahira ee dalka Masar Gudoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka dalkaasi.

Labada masuul ayaa waxa ay ka wada hadleen xiriirka labada Baarlamaan ee dowladdaha masar  iyo Soomaaliya u dhaxeeya iyo sidii ay u wada shaqeyn buuxda u dhaxmari laheyd laba baarlamaaan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya, ayaa la filayaa inuu la kulmo mas’uuliyiin dowlada dalka masar si ay kaga wada hadlaan arimaha la xiriiira  adkeynta iskaashiga labada dal.

Qoarshaha mataaneynta Baarlamaanada Somalia Iyo Masar ayaa la isla soo hadal qaadi doonaa, inta kulanka uu socdo.

Safarka gudoomiyaha baarlamaanka Somalia ayaa waxaa ku Wehlinaya ilaa iyo 10 xlidhibaan oo katirsan baarlamaanka Soomaaliya walow gudoomiyaha qudiisa uu maalma ka hor sheegay iney tilaabo ka qaadayaan Xildhibaanada Safarada u raacaya Madaxda Dowladda .

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here