Maxkamadda sare ee Racfaanka ee Dalka Koonfur Afrika, (Supreme Court of Appeal) ayaa ku dhawaaqday in dib loo furi doono hawlihii qaabilaadda Qaxootiga cusub ee Magaalada Cape Town, kaasi oo albaabada loo laabay sanooyin ka hor.
Maxkamadda, ayaa sheegtay in Xukunkii lagu xiray 2012 qeybtii qaabilaadda Dadka cusub ee Cape Town, ay aheyd sharci darro, sidoo kale waxa ay sharci darro baahsan ku tilmaantay go’aankii ahaa in dhammaan sharciyada cusub ee Qaxootiga loo raro xaduudda dalka.
Amarkii ay Maxkamadda sare ee Racfaanka soo saartay, ayaa ah in si rasmi ah dib loogu furo qeybtii bixinta sharciga cusub ee Cape Town ugu dambeyn bisha March 2018, islamarkaana si dhamaystiran loo hawlgaliyo dhammaan adeegyada kala duwan ee xarunta Home Affairs-ka Cape Town.
Tallaabadan guusha ah, oo cirbad wadnaha kaga taagneyd ka siibtay Qaxootiga Soomaaliyeed, ayaa waxaa Kiiska heerka maxkamadeed oo socday muddo Saddex Sano ah iska kaashaday Jaaliyadda Soomaalida ee SASA iyo Hay’adda Scalabini oo ah laba Hay’adood oo arrimaha qaxootiga u dooda.

