Jawaari oo Kulan La Qaatay Guddigii Loo Xil Saaray Arintii Qalbi Dhagax

0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa kulan la qaatay guddi uu dhawaan u magacaabay in ay soo daraaseeyaan  Go’aan Golaha Wasiiradda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusman Jawaari ayaa Guddiga kula dardaarmay in ay howsha loo idmaday  u gutaan si hufnaan iyo daacadnimo asagoo ku dhiira geliyey in ay dardar geliyaan Howshooda.

Dhanka kale Guddiga dhawaan la magacaabay ayaa gudoomiye u Doortay   Xil Cali Xoosho guddoomiye ku xigeen C/risaaq Cumar Maxamed Halka  Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn, waxaana ay balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here