Natiijadda Shirkii Deg Dega ahaa ee Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya

0

deg deg ahaa ee Golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaliya ee xalay ka dhacay madaxtooyadda Soomaliya ayaan wax go’aano ah kasoo bixin, iyadoo markii Wasiirada isugu yimaadeen shirka laga hadlay arrin caadi ah oo ku saabsan safarka Ra’iisul Wasaaraha ee New York.

Shirkan oo uu isugu yeeray isla markaana uu guddoominayay Ra’iisal wasaareku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ujeedkiisu ahaa in go’aan laga soosaaro xaaladda cakiran ee ka dhex taagan maamul Goboleedyada iyo dowladda Federaalka.

Warar soo baxaya  ayaa sheegaya in shirka ay hareeyeen doodo kulul oo ku saabsan xiriirka maamullada dalka iyo dowladda Federaalka Soomaliya , waxaana lagu waday inuu ka qeyb galo madaxweyne Farmaajo sida ka muuqatay ammaanka iyo qabanqaabada shirka, waxaase madaxweynaha uu mar dambe go’aansaday inuusan tegin shirka

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in laga laabtay arrimo xasaasi ah oo shirka looga doodi lahaa, sida xil ka qaadis iyo arrimo kale oo quseeya xaalada siyaasadeed ee dalka ka jirta, hase ahaatee dib loo dhigay.

Dhowrkii Maalin aynu soo dhaafnay waxaa jirey mad madow siyaasadeed oo soo kala dhexgalay maamul goboleedyadda dalka ka jira iyo Dowladda Dhexe ee Soomaliya,iyadoo qaar kamid ah maaamul goboleedyadda ay kasoo horjeysteen go’aankii dhex-dhaxaadnimadda Dowladda Federaalka Soomaliya ee xiisadda Khaliijka Carabta.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here