Waxaa Maanta Lagu wadaa in Magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulankii wadahadalka ahaa ee ku saabsanaa Mooshinka 12-bishii Hore losoo Gudbiyay Baarlamanka soomaliya
Gudoomiyaha baarlamanka soomaliya Maxamed sheikh cusmaan Jawaari oo saxaafada kula Hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Maanta uu dhici doono kulanka wahadalka arimaha Mooshinka Kadib hakad Ku Yimid dhicidiisa
Maxamed sheikh cusmaan Jawaari Gudoomiyaha Baarlamanka soomaliya ayaa sidoo kale ugu Baaqay xildhibaanada saxiixay mooshinka in ay kasoo qeyb Galaan kulanka Maanta ka dhici doona Magaalada Muqdisho
Dhawaan ayay aheyd Markii uu Hakad Ku Yimid kulankii ka dhici lahaa Magaalada Muqdisho kadib markii uu Guddoonka Baarlamanka soomaliya uu sheegay in kulanka uu u Baaqday Codsi kaga Yimid Raisulwasaaraha soomaliya oo kamid ahaa Madax ka qeyb gali laheyd kulanka

